Articles by: admin1

Shaqo Engineer biyood oo ka banaan shirkadda Biyaha NUWACO

Shaqo Engineer biyood oo ka banaan shirkadda Biyaha NUWACO

Shirkadda Biyaha NUWACO waxa ay raadinaysaa Engineer biyood oo madax ka noqonaya Qaybta Qodaalka iyo Sahaminta Ceelasha shirkadda NUWACO. Horudhac Shirkadda NUWACO waxaa la Asaasay Sanadkii 2006, ayadoo ay isku baaheysteen Ganacsato Soomaaliyeed  iyo Dowladda Puntland waana nooca wadaaga ah . Shirkadu waxay  guulo la taaban karo kaa gaartay ujeedadii […]

by 26th January 2020 0 comments News
DAAWO:-Shirkadda NUWACO oo xirfad heer sara ka gaadhay qodida ceelasha

DAAWO:-Shirkadda NUWACO oo xirfad heer sara ka gaadhay qodida ceelasha

Muddo ka yar saddex maalmood waxay uga hirgalisay Shirkadda NUWACO ceel-biyood gaaraya 110 mitir,goob loogu talagalay dhismaha machad cusub oo qorshuhu yahay in lagu barto sida xoolaha loo dhaqdo,sida beeraha loo dhaqdo,sida digaaga loo dhaqdo iyo guud ahaan waxbarashada deegaanka,taasoo ay wasaaradda deegaanka iyo beeraha dowladda PUNTLAND oo kaashanaysa hay’adda […]

by 27th November 2019 0 comments Gallery, News, Video
OGEYSIIS:-Maamulka Shirkadda oo kordhiyay saacadihii la shaqeyn jiray

OGEYSIIS:-Maamulka Shirkadda oo kordhiyay saacadihii la shaqeyn jiray

#OGEYSIIS_OGEYSIIS Waxaa lagu wargalinayaa Dadweynaha ku nool Caasimada Dowlada Puntland ee GAROWE in lagu soo kordhiyay (Duhurkii iyo Habeenkii) ama saacado dheeriya saacadihii shaqada Shirkadda Biyaha Nuwaco waxayna shirkaddu si xiriir ah u shaqeynaysaa 7:00 AM illaa 8:300 PM fiidnimo/habeenimo. Maamulka shirkadda oo tixgalinaya baahida macaamiisha iyo adeega shirkaddu dadweynaha […]

by 12th November 2019 0 comments Gallery, News
Maamulka Shirkada oo ka tacsiyeeyay geerida maareeyihii hore ee NUWACO

Maamulka Shirkada oo ka tacsiyeeyay geerida maareeyihii hore ee NUWACO

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN Maamulka iyo Shaqaalaha Shirkadda Biyaha Nuwaco waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelladda,qoyska iyo dhamaan asxaabtii uu ifka uga tagey Marxuum Dr Cabdirasaaq Mohamed Cismaan maamulihii horre ee Shirkadda NUWACO. Marxuumku wuxuu muddo 14 sano ah maareeye ka ahaa shirkadda biyaha NUWACO,wuxuuna ahaa shaqsi […]

by 12th August 2019 0 comments Gallery, News
Shirkadda NUWACO oo deegaanka Xaarxaarka ka qoday Ceelka ugu dheer Somalia

Shirkadda NUWACO oo deegaanka Xaarxaarka ka qoday Ceelka ugu dheer Somalia

Shirkadda Biyaha ee NUWACO ayaa ku guulaysatey inay ka qodo deegaanka Xaarxaarka oo ka tirsan Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ceelkii ugu dheeraa Somalia, wuxuuna dherarkiisu dhan yahay sida lagu qiyaasay 440 mitir oo ku dhaw masaafo nus kiilo mitir ah oo hoos ah siday xaqiijisay Hay,adda biyaha PSAWEN. Hirgalinta […]

by 24th August 2017 0 comments News
NUWACO oo $20,000 oo dollar ku wareejisay Guddiga Nalalgalinta Airport-ka Garoowe

NUWACO oo $20,000 oo dollar ku wareejisay Guddiga Nalalgalinta Airport-ka Garoowe

Shirgada  biyaha NUWACOO ayaa guddiga nalal galinta garoonka diyaaradaha Garowe ku wareejisay lacag dhan  $20,000, lacagtaas oo ah qoondada shirkadau uga qeyb qaadanayso dhismaha garoonka diyaaradaha Garowe. Xaflad kooban oo ka dhacday xarunta Shirgada ee magaalada Garoowe ayaa lacagtaan lagu wareejiyey guddiga lacagtaan waxaana goobjoog ka ahaa Gudoomiye kuxigeenka degmada,xoghaya […]

by 24th August 2017 0 comments News
Shirkada NUWACO oo xoojisay nidaamka biyaha magaalada Garowe

Shirkada NUWACO oo xoojisay nidaamka biyaha magaalada Garowe

Shirkadaha Biyaha ee NUWACO ayaa ceelal ku yaala masaafo 7 KM u jirta magaalada kazoo jiiday biyo galin hor leh oo xoojinaya waraabkii horey shirkaddu u siin jirtey xaafadaha ku yaala caasimada Puntland ee Garowe. NUWACO ayaa fidin ku samaysay beebabka dhex mara magaalada si culayska looga kala yareeyo kuwii […]

by 4th May 2017 0 comments News
DAAWO Wax-qabadkii 2016 ee Shirkadda Biyaha NUWACO

DAAWO Wax-qabadkii 2016 ee Shirkadda Biyaha NUWACO

Shirkaddaha Biyaha NUWACO ayaa sanadkii lasoo dhaafay guulo iyo waxqabad la taaban karo ka gaadhay howlaheeda shaqo ka dib markii ay shirkaddu ku guulaysatay qodista in ka badan ilaa 6 ceel oo kuwa dhaadheer, Islamarkaana laga qoday deegaano kala duwan oo ku yaala dhulka Soomaalidu degto iyo Gobolada Puntland. NUWACO […]

by 18th February 2017 0 comments News, Video
Shirkadda NUWACO oo ceel-biyood ka hirgalisay Tuulada Jalam ee Gobolka Nugaal

Shirkadda NUWACO oo ceel-biyood ka hirgalisay Tuulada Jalam ee Gobolka Nugaal

Shirkadda Biyaha NUWACO ayaa ku guulaysatay markii ugu horeysay  inay ceel biyood ka hirgaliso Deegaanka u dhaxeeya Tuulo Jalam iyo Daaru-salaam ee Gobolka Nugaal, Waxaana si weyn ugu farxay guusha shirkaddu ka gaartay ceelka riiga ee halkaas laga qoday Dadka Deegaanka oo ku niyad sam baahida uu ka dabooli doono […]

by 10th November 2016 0 comments Gallery, News
Gudoomiyaha Boodhka Shirkadda NUWACO oo qalab gudoomay

Gudoomiyaha Boodhka Shirkadda NUWACO oo qalab gudoomay

Hay,adda Biyaha,Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Puntland (PSAWEN) ayaa maanta ku wareejisay qalab biyood shirkaddaha ka shaqeeya biyo-galinta magaalooyinka Garowe, Bosaso,Gaalkacyo,Qardho, Buurtinle iyo Bacaadweyn,Ka dib munaasabad  ka qabsoontay xarunta Shirkadda NUWACO iyo PSAWEN ku leeyihiin magaalo madaxda Puntland ee Garowe. Gudoomiyaha BOD-da Shirkadda Biyaha Gobolka Nugaal (NUWACO) Cabdisamad Islaan Maxamed […]

by 7th September 2016 0 comments Gallery, News, Video