Shaqo Engineer biyood oo ka banaan shirkadda Biyaha NUWACO

Shaqo Engineer biyood oo ka banaan shirkadda Biyaha NUWACO

Shirkadda Biyaha NUWACO waxa ay raadinaysaa Engineer biyood oo madax ka noqonaya Qaybta Qodaalka iyo Sahaminta Ceelasha shirkadda NUWACO.

Horudhac

Shirkadda NUWACO waxaa la Asaasay Sanadkii 2006, ayadoo ay isku baaheysteen Ganacsato Soomaaliyeed  iyo Dowladda Puntland waana nooca wadaaga ah .

Shirkadu waxay  guulo la taaban karo kaa gaartay ujeedadii loo asaasay oo ahayd gaarsiinta Biyo-nadiif ah Bulshawaynta ku nool Caasimada Dowladda Puntland-Somalia ee Garooowe, oo kamid ah Magaalooyinka sida xawliga  uu koraya dhisma ahaan iyo deegaan ahaan ayna sabab uu tahay bilicda iyo Nabad-galyada ay ku naalooneyso caasimadu,  shirkadu waxay leedahay 3 riig oo wawayn kuwaas oo qodi kara 1000m waxayna qayb wayn ka qaateen sidii loo gaari laha biyo dhulal badan oo oomane ahaa  dhamaan degaanada somalida gaar ahan Puntland. waxayna  qodaal ceelal dhaadheerna ka samaysay dhamaan 9ka gobol ee Puntland iyo dawlad degaanka somalida Itoobiya ku waas oo nolosha dadka iyo duunyadaba waxwayn ka bedelay.

Jagada : Injineer Biyood iyo Madaxa Riigaga – (Water Engineer and Drilling Rig Officer)

Ujeedka Shaqada
wuxuu madax ka noqonaya dhamaan shaqaalaha iyo hawlaha kala duwan Ee  Riigaga , asagoo dajinaya qorshaha riigaga iyo shaqaalahoodu ku shaqaynayaan, si waafaqsan qorshaha guud ee shrikada iyo mid hoosaad ee waaxda riigaga , waxaana shaqada loo maamulaya si badbaado kujirto mid nafeed , dhaqaale iyo agabka kala duwan ee riigagu leeyihiin , ayadoo loo maaraynayo shaqa kasta qabashadeeda sida ugu kharashka yar uguna waqti haboon (Efeciency and Effectiveness).

Wuxuu isku xirayaa shaqooyinka riigaga iyo waaxyaha kale ee shirkadu leedahay wuxuuna warbixinta siinaya  maamulka,  wuxuu dajinayaa qorshihiisa bilaha, sanadlaha ah iyo maaraynta  caqabadaha soo wajaha  shaqada riigaa kaas oo dhibaato ku keeni kara horusocodka shaqada hadaan la maarayn . wuxuuna si cilmi ku salaysan uqabanayaa shaqada qodaalada ceelasha una kaydinayaa xogtooda. Sidoo kale .Shaqadu waxay 80% ubadantahay goobteedu gobollada dalka oo idil iyo Banaanka Xafiiska.

JAANGOYNTA IYO QEEXIDA SHAQO (Job Description)

  1. Wuxuu diyaarinaya qorshe hawleedka shaqo ee laxariira waaxda riigaga wuxuuna waqtiga shaqada ku korjoogtaynaya shaqaalaha Riigaga.
  2. Wuxuu hubinayaa dhamaan shaqooyinka laxariira qodaalka shaqada ceelasha   wajiyadooda kala duwan sida sahaminta  guuritaanka fulinta  qodaalka iyo dhamaystirka asagoo usamaynaya qorshe shaqo iyo mid fulineed   oo qeexan.
  3. In uu si joogto ah ugu  warbixiyo madaxda shaqada uga saraysa si  ku salaysan hab usocodka guulaha iyo  caqadabaha shaqada ee lagaaray iyo siyaabaha lagu xaliyey.
  4. In uu hubyo in shaqada looqabto sidii loogu talagalay , si ku salaysan nidaamaka shaqo ee caalamiga ah iyo kan shirkadda NUWACO.
  5. In uu hubiyo suurto gasho in dhamaan goobta shaqada laga helo , agabka iyo shaqaalaha muhiimka u ah shaqada la fulinayo sida qalabka, shaqaalaha iyo dhamaan waxyaabaha suurto galinaya In ay fusho shaqadu xilliga ku haboon .
  6. In uu hubiyo in ay diyaaryihiin lana hayo agabka loo istcimaalayo shaqada iyo dayactirkooda  , sida  kaydka bakhaarka, spare partska iyo in ay  goobta shaqada yaaliin kuwa muhiimka ah.
  7. In uu shaqaalaha shaqada ku caawiyo kuna hago xilliga la fulinayo qodaalka ceelasha cusub asagoo ku salaynaya qiimaha iyo qorsha kharash iyo waqti ee loo sameeyey in shaqadaas lagu fuliyo (on budget with Time frame)
  8. In uu si wayn qayb uga ahaado xariirada lala samaynayo dhinacyada kala duwan ee laxariria hawlaha   riigaga, sida degaanada laga shaqaynayo , hey’adaha, dawlada iyo waaxyaha kale ee  bahwadaagta shaqo riigaga la leh.
  9. In uu dabagal ku sameeyo la socdo soona gudbiyo baahiyaha riigaga ,iyo shaqaalahooda waaxyaha ay khusaysana ugudbiyo.
  10. In uu diyaariyo proposalada iyo dukumentska qandaraasyada lagu dalbanayo qiimayn wanagsana ku saleeyo oo shaqo abuuri kara lagana faaiidi karo , kana tala bixiyo wixii laxariira qalqaalada mashaariicda ceelasha .
  11. In uu warbixin bile ah siiyo madaxa waaxda iyo warbixinada uu ka dalbado  maareeyaha NUWACO.
  12. In Uu kaydiyo sampleska ceelasha iyo xogaha biyo baariseed ee ceelwalba(Soil samples ).
  13. In uu warbixina dhamaystiran ka sameeyo ceelwalba oo laqodo kaas oo lala wadaagayo qandaraas bixiyaha .
  14. Wuxuu ka qayb qaadanayaa hawlaha kale ee la xiriira farsamada biyaha sida naqshadaynta dhuumaha biyaha magaalada , dhismayaasha haamaha iwm.

Heerka aqooneed (Level of Education)

  • Shahaado jaamacadeed oo heerka 1aad ah (Bachelor Degree) – Water Engineering
  • Ugu yaraan khibrad 5sano ah oo la xariirta aqoonta Biyaha iyo Maamul.
  • Inuu si fiican uqori karo , akhirinkaro uguna hadlikaro Af-soomaaliga , Englishka iyo Carabiga.
  • Inuu aqoon fiican u leeyahay Kumbuyuutarka.

Soo gudbinta

Qofka buuxiyey sharuudahaan shaqo wuxuu kusoo diri karaa codsigiisa iyo araajidiisaa shaqo cinwaanka hr@nuwaco.com copy to nudricom@gmail.com iyo bakuke.abshir@gmail.com  ugu danbayn 08/Feb/2020 waxaana lala soo xariiri doonaa cida kusoo baxdo liiska gaaban (short list).

Fadlan soo raaci araajigaaga shahaadooyinka jaamacadeed iyo saddex tixraac (References).