DAAWO Wax-qabadkii 2016 ee Shirkadda Biyaha NUWACO

DAAWO Wax-qabadkii 2016 ee Shirkadda Biyaha NUWACO

Shirkaddaha Biyaha NUWACO ayaa sanadkii lasoo dhaafay guulo iyo waxqabad la taaban karo ka gaadhay howlaheeda shaqo ka dib markii ay shirkaddu ku guulaysatay qodista in ka badan ilaa 6 ceel oo kuwa dhaadheer, Islamarkaana laga qoday deegaano kala duwan oo ku yaala dhulka Soomaalidu degto iyo Gobolada Puntland.

NUWACO oo 10 sano jirsatay sanadka 2016 ayaa safka hore ka istaagtay shirkadaha fara-ku tiriska ah ee fuliya qodista ceelasha dhaadheer, Waxayna ceelal riigag ah ka qoday deegaanada kala ah Tuulada Karin-kafood oo ka tirsan Gobolka Sool, Tuulada Dandan oo ka tirsan Gobolka Cayn, Tuulada Xaradhanka oo ka tirsan Gobolka Cayn, Tuulo Jalam oo ka tirsan Gobolka Nugaal, Tuulada Sarmaayo oo ka tirsan Gobolka Sool iyo Deegaano kale.

Dhamaan hawlihii shaqo ee biyo galinta iyo fidinta biyaha ay isticmaalaan xaafadaha magaalo madaxda Puntland iyo Qodista Qandaraasyada ceelsha dhaadheer ayay NUWACO si habsami leh uga soo dhalaashay, Iyadoona ay bogaadiyeen arrimahaasi shirarkoodii ugu dambeeyay ee qabsoomay horaanta 2017 guddiga sarre ee Shirkadda NUWACO iyo Saamilayda Shirkaddu.

Hadaba daawo Documentry soo bandhigaya Waxqabadkii Shirkadda NUWACO ee 2016.