Maamulka Shirkada oo ka tacsiyeeyay geerida maareeyihii hore ee NUWACO

Maamulka Shirkada oo ka tacsiyeeyay geerida maareeyihii hore ee NUWACO

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Maamulka iyo Shaqaalaha Shirkadda Biyaha Nuwaco waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelladda,qoyska iyo dhamaan asxaabtii uu ifka uga tagey Marxuum Dr Cabdirasaaq Mohamed Cismaan maamulihii horre ee Shirkadda NUWACO.

Marxuumku wuxuu muddo 14 sano ah maareeye ka ahaa shirkadda biyaha NUWACO,wuxuuna ahaa shaqsi kaalin weyn kasoo qaatay sidey bulshadu u heli lahayd adeeg biyo oo ku fillan.

Alle waxaan uga baryaynaa naxariis,dambi dhaaf iyo jano.waxaana ilaahay ka rajaynaynaa inuu samir iyo iimaan ina ka siiyo marxuumka.

Aamiin Aamin

2 1