DAAWO:-Shirkadda NUWACO oo xirfad heer sara ka gaadhay qodida ceelasha

DAAWO:-Shirkadda NUWACO oo xirfad heer sara ka gaadhay qodida ceelasha

Muddo ka yar saddex maalmood waxay uga hirgalisay Shirkadda NUWACO ceel-biyood gaaraya 110 mitir,goob loogu talagalay dhismaha machad cusub oo qorshuhu yahay in lagu barto sida xoolaha loo dhaqdo,sida beeraha loo dhaqdo,sida digaaga loo dhaqdo iyo guud ahaan waxbarashada deegaanka,taasoo ay wasaaradda deegaanka iyo beeraha dowladda PUNTLAND oo kaashanaysa hay’adda WFP ka bilowday cirifka bari ee magaalada GAROWE.

Ceelkan oo biyo badan laga helay,qodaalkiisana muddo yar ku qaatay Shirkadda Nuwaco,ayaa nasiib wanaag bilow u noqday dhismaha xaruntan cusub oo dowladda PUNTLAND u asteysay barashada cilmiga beeraha,xoolaha,digaaga,deegaanka,IWM,
waxaana la filayaa dhismaha iskuulkaan in la dhamaystiro lixda bilood ee soo socota.

Maamulka shirkadda NUWACO oo ka warbixinaya xirfada shirkaddu u leedahay qoditaanka ceelasha dhaadheer wuxuu sheegay  Alle (swt) ka sokow,inay ugu wacan tahay ama sabab u tahay si dhakhso leh mar kasta inay uga guul-gaaraan shirkadda,xirfada shaqaalaha iyo qalab casriya oo ay u adeegsadaan biyaha laga baadi goobayo dhulka hoostiisa.

DAAWO Ceelka shirkaddu ku qoday muddo labo cisho gudahood ah.