NUWACO oo $20,000 oo dollar ku wareejisay Guddiga Nalalgalinta Airport-ka Garoowe

NUWACO oo $20,000 oo dollar ku wareejisay Guddiga Nalalgalinta Airport-ka Garoowe

Shirgada  biyaha NUWACOO ayaa guddiga nalal galinta garoonka diyaaradaha Garowe ku wareejisay lacag dhan  $20,000, lacagtaas oo ah qoondada shirkadau uga qeyb qaadanayso dhismaha garoonka diyaaradaha Garowe.

Xaflad kooban oo ka dhacday xarunta Shirgada ee magaalada Garoowe ayaa lacagtaan lagu wareejiyey guddiga lacagtaan waxaana goobjoog ka ahaa Gudoomiye kuxigeenka degmada,xoghaya dowladda hoose,guddiga nalalgalinta garoonka iyo masuuliyiinta shirgada NUWACO.

Cismaan Guureeye Kaarshe oo katirsan guddiga sare ee NUWACO ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay bixiyaan qoondadii shirkadooda lagusoo qoray ee looga qeyb qaadanayo iftiiminta garoonka diyaaradaha Garowe oo dhismihiisu meel gabo gabo ah marayo.

Cismaan Guureeye ayaa sheegay ka qeyb qaadashada dhismaha garoonka diyaaradaha Garowe inay tahay arrin horseedaysa in la gaaro horumar iyo in dadku wax badan si wadajir ah u qabsadaan.

Guddoomiyaha guddiga dhaqaale aruurinta garoonka Garowe, Cabdifitaax Kismaayo ayaa  shirgadda biyaha NUWACO KU amaanay inay kasoo baxeen balanqaadkoodii laga sugayay waxaana uu shirgadaha kale ugu baaqay inay ku daydaan.

Cabdifitaax Kismaayo ayaa sheegay dhismaha garoonka diyaaradaha Garowe inuu meel fiican marayo, islamarkaana bisha 11-aad si rasmi ah xariga looga jaridoona, laakiin wuxuu dhaliilay inaaan weli sidii loo baahnaa loogasoo jawaabin qaaraanka garoonka, wuxuuna shirkadaha iyo shakhsiyaadka qoondada lagusoo qoray ugu baaqay inay bixiyaan lacagta qaaraanka.

Gudoomiye kuxigeenka duqa degmada Garoowe Cismaan Towxiid ayaa ku bogaadiyey shirgadda biyaha NUWACO sida ay marwalba diyaar ugu tahay inay ka qaybqaadato horumarinta magaalada isagoona ku amaanay inay ka soo baxeen balankii ay qaadeen.

Daawo Sawirro.

IMG_0785-3 IMG_0786 IMG_0801-3 IMG_0804 IMG_0810 IMG_0812-2 IMG_0813 IMG_0814 IMG_0818 IMG_0820 IMG_9671 IMG_9704 IMG_9708 IMG_9711 (1) IMG_9711

NUWACO’s Office Media