Shirkada NUWACO oo xoojisay nidaamka biyaha magaalada Garowe

Shirkada NUWACO oo xoojisay nidaamka biyaha magaalada Garowe

Shirkadaha Biyaha ee NUWACO ayaa ceelal ku yaala masaafo 7 KM u jirta magaalada kazoo jiiday biyo galin hor leh oo xoojinaya waraabkii horey shirkaddu u siin jirtey xaafadaha ku yaala caasimada Puntland ee Garowe.

NUWACO ayaa fidin ku samaysay beebabka dhex mara magaalada si culayska looga kala yareeyo kuwii horey biyaha ugu qeybin jirey xaafadaha magaalada Garowe.

Sidoo kale Shirkadda NUWACO ayaa dayactir ku samaysay ilaa saddex ceel halka lagu wado qodista labo ceel iyo dhismaha labo haamood oo ah xiriirinta haamaha biyaha iyo nidaamka biyo galinta magaalada Garowe.

Maalmihii u dambeeyay guud ahaan magaalada Garowe waxaa laga dareemayay isbedel ku yimid helida biyaha Shirkadda NUWACO ee laga isticmaalo xaafadaha ku yaala magaalo madaxda Puntland ee Garow

IMG-20170504-WA0001 IMG-20170504-WA0002 IMG-20170504-WA0003 IMG-20170504-WA0004 IMG-20170504-WA0005 IMG-20170504-WA0006