Shirkadda NUWACO oo deegaanka Xaarxaarka ka qoday Ceelka ugu dheer Somalia

Shirkadda NUWACO oo deegaanka Xaarxaarka ka qoday Ceelka ugu dheer Somalia

Shirkadda Biyaha ee NUWACO ayaa ku guulaysatey inay ka qodo deegaanka Xaarxaarka oo ka tirsan Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ceelkii ugu dheeraa Somalia, wuxuuna dherarkiisu dhan yahay sida lagu qiyaasay 440 mitir oo ku dhaw masaafo nus kiilo mitir ah oo hoos ah siday xaqiijisay Hay,adda biyaha PSAWEN.

Hirgalinta ceelkan oo ay soo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee shacabka Deegaankaas oo isugu jira dadka degan xaarxaarka iyo kuwa ku xiran ee miyiga waxaa ka qeybgalay munaasabad maanta lagu daahfurey masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Puntland, Maamulka Shirkadda NUWACO, PSAWEN iyo Marti sharaf kale, wuxuuna ka mid noqonayaa ceelkani kuwii ugu dhaadheeraa oo lagu qado mashruuca ceelasha oo uu ku deeqay bangiga islaamka.

Waxaa inticaafsan doona ceelkan kumanaan dad iyo duunyo ah, Waana ceelkii 6aad oo shirkadda NUWACO muddo sanad gudaheed ah ka qado deegaanada Puntland,Iyadoona uga hirgalisay ceelashii ka horeeyay deegaanada kala ah Tuulo Jalam,Karinkafood,Dandan,Xadhadhanka iyo Garowe.

Ceelasha NUWACO ka hirgalisay Gobollada Nugaal, Sool iyo Cayn ayaa kaalin weyn ka qaatay hoos u dhiga biyo yaraan laga baqayay abaartii dhawaan ku dhufatey Dalka Somalia ee SIMA.

DAAWO SAWIRADDA.

19904879_333194673796968_3962580168177960319_n 19961180_333194373796998_6270918862315985238_n (1) 19961196_333647497085019_2097489112481750590_n 19961391_333647420418360_9033673575505479963_n 19961465_333647437085025_5818598289360532187_n 19989333_333647500418352_4139650791366378746_n 19989436_333647253751710_8650672410180377411_n 19990364_333647607085008_2472285341793557347_n 19990543_333647240418378_583720330648124127_n 20031629_333647433751692_1139608973668648495_n 20031931_333647580418344_5814719095162865636_n 20046358_333647727084996_6127939673646391828_n 20046404_333647330418369_5737396718220876514_n 20046634_333647317085037_2012831728553032945_n 20106641_333647320418370_2106580871382612867_n 20108249_333647750418327_4973447483326336278_n 20108505_333647523751683_4738556380421832022_n 20108528_333647260418376_8563416065086464494_n 20139605_333647623751673_6128286275310931252_n (1) 20139605_333647623751673_6128286275310931252_nNUWACO’s Office Media