Gudoomiyaha Boodhka Shirkadda NUWACO oo qalab gudoomay

Gudoomiyaha Boodhka Shirkadda NUWACO oo qalab gudoomay

Hay,adda Biyaha,Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Puntland (PSAWEN) ayaa maanta ku wareejisay qalab biyood shirkaddaha ka shaqeeya biyo-galinta magaalooyinka Garowe, Bosaso,Gaalkacyo,Qardho, Buurtinle iyo Bacaadweyn,Ka dib munaasabad  ka qabsoontay xarunta Shirkadda NUWACO iyo PSAWEN ku leeyihiin magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Gudoomiyaha BOD-da Shirkadda Biyaha Gobolka Nugaal (NUWACO) Cabdisamad Islaan Maxamed Islaan Muuse ayaa si rasmiya uga gudoomay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Hay,adda Biyaha,Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga Puntland (PSAWEN) Xirsi Xasan Nadiif  qalabka loogu deeqay shirkadda NUWACO.

NUWACO ayaa ka mid ahayd 5 shirkadood oo la siiyay qalabkan , kuwaas oo kala ah GUMCO oo ah shirkadda biyo-galinta Bosaso,HODMAN oo ah shirkadda biyo-galinta Qardho,GALWA oo ah shirkadda biyo-galinta Gaalkacyo,BWC oo ah shirkadda biyo-galinta Bacaad-weyn, iyo MAWASO oo ah shirkadda biyo-galinta Degmada Buurtinle.

Shirkadda NUWACO waxay ka mid tahay  shirkadaha fara-kutiriska ee dalka Soomaaliya oo horumar la taaban karo ka gaaray biyo-galinta magaalooyinka iyo qodista ceelasha dhaadheer , Iyadoona ku talaabsatay heer isku filnaansho marka la barbar dhigo meeshii ay wax ka billowday shirkaddu ka dib markii Garowe laga asaasay bartamihii  2006

Daawo Sawiro

1-4 DSCN4057 DSCN4058 DSCN4060 DSCN4076 DSCN4079 DSCN4080Abshir Xaaji Abdulaahi

Madaxa Warfaafinta Shirkadda NUWACO