“DAAWO” Qaar ka mid ah Guulaha 2016 ee Shirkadda NUWACO

“DAAWO” Qaar ka mid ah Guulaha 2016 ee Shirkadda NUWACO

Shirkadda Biyaha NUWACO oo ah mid biyo galisa magaalo madaxda Puntland ee Garowe , Sidoo kalena ka qoda deegaanada Puntland ceelal dhaadheer (Riigag) ayaa sanadka 2016 guulo la taaban karo  ka gaartey deegaano ka tirsan Puntland ka qodista in ka badan 5 ceel oo dhaadheer , Waxaana ka mid ah goobaha ceelal riigag ah laga qoday Tuulada Karin-kafood ee Gobolka Sool, Tuulada Dandan oo ka tirsan Gobolka Cayn.

Halka ay shaqadoodu socoto labo riig oo shirkadda NUWACO qodistooda ka wado tuulada Jalam ee Gobolka Nugaal iyo Tuulada Xararan ee Gobolka Cayn.

Qodista ceelashan ayaa qeyb ka noqonaya , Iyadoo uu ahaa qorshaha shirkaddu in sanadka 2016 ka qodo Puntland  ilaa 8 ceel oo hadda marka la bar bar dhigo ceelasha la qoday wax badan ka rumaynaysa qorshihii hore ee shirkadda in la qodo tirada ilaa 8 riig.

Daawo warbixin guusha NUWACO 2016

Abshir Abdulaahi Mohamed

Madaxa Warfaafinta NUWACO